Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga, dhowaanna noqday xildhibaan ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka ayaa madaxda ololaha dooroshada Cumar C/rashiid.
C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo hore saaxiibo dhow la ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ninkii ka danbeeyay in la rido xukuumaddii C/weli Sheekh ayaa si degdeg ay isu bedelay caddowga koowaad madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana hadda noqday madaxda ololaha doorashada Ra’iisal wasaaraha.
Qaabka uu kursiga xildhibaannimo ku helay isagoo ka yimid xilkii safiirnimo ayaa gebi ahaanba ahaa mid qorsheysan iyadoo inuu ku soo baxo kursiga uu qeyb weyn ku lahaa madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.
Sanbaloolshe ayaa la soo weriyay inuusan qarsan cadaawadda uu u hayo Xasan Sheekh isagoo magaalada Jowhar ka sheegay warar fara badan iyo farriimo qalafsan oo uu u diray Xasan Sheekh, taasoo ka danbeysay markii Xasan Sheekh diiday inuu xilka Agaasimaha NISA dib ugu magacaabo taasoo uu dadaal badan ugu jiray, tan iyo intii laga qaaday xilkaasi muranka dhaliyay.
Goobjooge.com