Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey ayaa Baarlamaanka Soomaaliya u kala qeybiyay laba kooxood, taasoo ka danbeysay mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka.
Ka sokow inuu keligii 14-kii bishan qabtay Mooshinka Jawaari, wuxuu goobjoog ka ahaa, kana qeyb galay kulankii Guddiga joogtada ahaa ee Baarlamaanka ay ku laaleen mooshinkaasi isla maalintaasi oo ay sheegeen inuu jabay, laakiin saqdii dhex ee isla maalintaasi ayuu gurigiisa shir jaraa’id ku qabtay isagoo sheegay inuu sharci yahay mooshinka guddi joogto ahna aanu ka hadli karin.
Kadib aqbalaadii Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ee mooshinka, wuxuu C/weli Muudey qaaday tallaabo kale oo uu ku sheegtay inuu yahay ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka, taasoo ka careysiisay taageerayaasha Jawaari.
11 maalmood kadib markii uu heystay mooshinka, lagana sugayay inuu 10 maalmood oo shaqo ku furo Baarlamaanka ayuu mar kale abuuray khilaaf kale oo laga maari karay isagoo jebiyey baaq ay soo saareen Guddiga Aqalka sare u saaray arrinta mooshinka oo ahaa in mooshinka la furo ka hor 28-ka maarso, wuxuuna 31-ka bishan Maarso shaaciyay inuu furmayo kulanka Mooshinka.
Arrimahaas oo dhan waxay soo shaac bixiyeen in C/weli Muudey uu si ula kac ah u raadinayo inuu jiitamo khilaafka ka taagan mooshinka Jawaari, isla markaana u shaqeynayo qolada dooneysa in xaaladu cakirnaato, taasoo ay ugu wacan tahay sida warar hoose sheegayaan xukuumadda oo dooneysa in arrintu daba dheeraato.
Mooshinka oo guddoomiyihii laga keenay uu aqbalay, xildhibanaanadii ay doonayaan in la guda galo, dalkuna ku jiro xaalado amni iyo mid siyaasadeed oo cakiran, waxaa la is weydiinayaa sababta keentay in C/weli Muudey abuuro weji cusub oo dagaal dhinaca sharciga ah.
Sirta ka danbeysa tallaabooyinka C/weli Muudey ayaa lagu tilmaamay inay tahay iyadoo xukuumaddu dooneyso inaan xilligan mooshinka la furin si culeys loogu saaro Guddoomiye Jawaari inuu is casilo ama waanwaan lagula galo inuu iskiisa u tanaasulo, iyadgoo xaqiiqsaday inaysan heli karin codad ku filan oo xilka looga qaado.