Monday, June 23, 2025

KASHIFAAD: Wasiir Maareeye oo Tahriibayaal ka badan 30 Qof ku geeyay Turkiga magaca Ganacsato [Xasaasi]

Xaqiiqada Fadeexadda Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Somalia [Waxaa la daabacay May 2018]

Shirkii Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Turkiga ee dhowaan ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa la sheegay inay ka dhacday fadeexad ku saabsan tabriibayaal Soomaaliya oo lacag looga qaatay in la geeyo Turkiga.

Xogta ay heshay Goobjooge.net ayaa sheegeysa in wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) uu ka qeybglayaasha shirkaasi ku daray in ku dhow 30 qof oo tahriibayaal ahaa, kuwaasoo lagu waday magaca ganacsato ka qeyb galeysa shirka.

Sida ay xaqiijineyso xogta laga helay magaalada Istanbuul Wasiir Maareeye ayaa mid waliba oo tahriibayaasha ka mida ka qaatay lacag dhan 6000 Doolar, waxaana markii la geeyay Turkiga ay u sii gudbeen magaalooyin kale si ay u sii wataan tahriibka ay ku doonayeen inay ku galaan Yurub.

Ad

Arrintan ayaa la sheegay inay la socdeen madaxda Rugta Ganacsiga & Warshadaha oo uu hoggaamiyo C/kariin Gabeyre, waxaana dhacday in shirka Ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya aysan kasoo qeyb gelin ganacsato badan oo Turki ah, shirka oo dhamina uu socday muddo 4 saacadooda ah.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Turkiga soo maray kadib markii uu ka soo laabtay dalka Belguim ayaa loo diyaariyey dad Soomaaliyeed oo uu khudbad u jeediyay, waxayna arrintani noqotay mid ka mida fadeexadaha ay ku kacaan Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

- Advertisement -

Wasiir Maareeye oo dhowaan xilka uga fariisiyey agaasimihii wasaaradaasi inuu musuq ku kacay ayaa u muuqda in qaaday geesinimadii ugu weyneyd oo uu ku takri falay awoodii wasaaradaasi, waana tiradii ugu badneyd ee wasiir uu mar qura  dad intaas la eg tahriibiyo kuna qaato dhaqaale.

DAAWO SAWIRRO: Shirkii Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmay magaalada Istanbuul

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON