Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii 30-ka Ogost dib ugu soo labtay magaalada Muqdisho iyadoo uu soo baxayo qorshe ay damacsan yihiin isbaheysi mucaaraad oo lagu dhawaaqi doono.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Xasan Sheekh loo caleemo saarayo hoggaamiyaha Isbaheysiga mucaaradka ee ka horjeeda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaasoo abaabulkiisa lixdii bilood ee ugu danbeysay ka socday magaalooyinka Nairobi iyo Ankara.
Xasan Sheekh oo ololihiisii dib u doorashadai xilka madaxweynaha Soomaaliya si lama filaan looga guuleystay ayaa intii uu xilka banneeyay ku sugnaa dalalka Tanzania iyo Turkiga oo xaasaskiisa ay degan yihiin, isagoo ka gaabsaday arrimaha siyaasadda, kuna baaqay in lala shaqeeyo dowladda oo aan loo baahneyn khilaaf siyaasadeed.
Wadahadallo dalka Turkiga ku dhex maray Xasan Sheekh iyo xubnaha mucaaradka ah sida Axmed Macalin Fiqi, C/raxmaan C/shakuur, Xasan Macalin iyo xubno kale ayaa lagu heshiiyay inuu hoggaamiyo isbaheysiga mucaaradka markii uu fashilmay mooshin ay kooxo isbaheystay doonayeen inay ka keenaan Madaxweyne Farmaajo, kaasoo ku dhammaaday weerarkii lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur iyo xarigiisa.
Heshiiska Isbaheysiga mucaaradka waxaa ku jira Kutlada Horusocod oo u badan xildhibaanadii Qabyo iyo Damjadiid, Xisbiyada Wadajir, Daljir iyo Kulan, waxaana la isku afgartay sidii uu u mideyn lahaa kooxaha mucaaradka ee ku kacsan dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Xasan Sheekh iyo mucaaradka la midoobay ayaa qorshahoodu yahay in labada sano ee u hartay madaxweyne Farmaajo lugaha loo geliyo xaalad kacsan oo siyaasadeed iyo mooshino lagu wiiqo si waqtigiisa ka hore kursiga looga tuuro ama lagu gaarsiiyo waxqabad la’aan iyo dhaqaale darro.