Xildhibaanada wada mooshinka looga horjeedo guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa dadaal ugu jira wax ka bedel lagu sameeyo qodob ka mida xeer hoosaadka Baarlamaanka oo u muuqda inuu caqabad ku yahay xil ka qaadista Jawaari.
Qodobkan dhibaatada weyn ku haya kooxda ololaha ugu jirta xil ka qaadista Guddoomiye Jawaari ayaa ah Qodobka 9-ad ee ayaa sheegaya in mooshinka laga keeno guddoomiyaha iyo labada ku xigeen ee baarlamaanka ay cod qaadistiisu noqoneyso qarsoodi.
HOOS KA AKHRISO QODOBKA 9-AAD FAQRADIISA 5-AAD
5. Haddii Guddoomiyaha ama mid ka mid ah ku-xigeenadiisa ay soo wajahdo mooshin ah xilkaqaadis waxaa lamarayaa talaabooyinkan soo socda:
a) Guddoomiyaha ama ku-xigeenada laga keenay soo jeedinta (Motion) xilkaqaadida, waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada, inta ay ka dhamaanayso arrinta la xiriirta soo jeedinta, codayntuna waa qarsoodi.
b) Haddii Guddoomiyaha ama Guddoomiye Ku-Xigeen uu lumiyo xilka, si waafaqsan qodobka 9 (2) ee xeerhoosaadka Golaha, Goluhu wuxuu Muddo shan iyo toban (15) maalmood gudohood waa inuu ku doorto Guddoomiye ama ku xigeen cusub.
Ujeedada ayaa ah in qodobkaasi laga dhigo gacantaag si aysan ugu suuragelin in xildhibaannada heshiisyada lala galay iyo kuwa kharashka la siiyo loo xaqiijiyo inaysan ka codeyn, waxayna arrintan muujineysaa cabsida weyn ee heysata kooxda ololaha ugu jirto xil ka qaadista Jawaari.
Lama oga sida arrintan loo xaqiijin karo, waxayse xogtu sheegeysaa in tiro xildhibaanno ah ay keeni doonaan mooshin ku saabsan in cod bixintu noqoto GACAN-TAAG.