Monday, June 23, 2025

KASHIFAAD: Xildhibaanno kasoo jeeda laba Beelood oo diidan metelaadda G/Banadir ee Aqalka Sare

Iyadoo dood ku saabsan metelaadda G/Banaadir ee Aqalka Sare ay ka socoto Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya xildhibaano ka horjeeda xeerkan oo kasoo jeeda qaar ka mida beelaha dega Puntland iyo Jubbaland.

Xildhibaannada u ololeynaya in 13 xubnood uu Gobolka Banadir ku yeesho Aqalka Sare ayaa waxaa u badan beelaha Hawiye iyo Beesha Shanaad, waxayna taageero gorgortan ku jirt ka filayaan xildhibaannada kasoo jeeda Beelaha Dir iyo Digil & Mirifle, laakiin inta badan xildhibannada Beelaha Daarood ayaa ka horjeeda arrintan.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in xildhibaannada Beelaha Harti iyo kuwa Ogaadeen ay si weyn u diidan yihiin in metelaad ay Gobolka Banaadir ka hesho Aqalka Sare xilligan iyadoo aan laga heshiin maqaamka caasimadda oo ah laba arrin oo aan kala hari karin, sid ay ku doodayaan.

Ad

Mowqifkaas waxaa si weyn u taageersan Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, waxayna Puntland muddo dheer ahayd awoodda siyaasadeed ee ugu weyn ee doodda ka qabta in Muqdisho ay tahay caasimad Soomaaliyeed iyo qaabka loo degan yahay xilligan oo ka dhashay dagaaladii sokeeye ee dalka ka bilowday 1991-kii.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON