Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka dhoofeen magaalada Muqdisho markii la siiyay lacag siyaasadeed.
Sida ay sheegeyso xogta Goobjooge ay heshay xildhibaannadna ayaa midkiiba la siiyay lacag gaareysa $10,000 si ay u saxiixaan mooshin xil ka qaadis ‘Impeachment” oo lagu qaadayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Mooshinka oo ay wadaan wasiiro hore, kooxdii Qabyo iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa ka sodda magaalada Muqdisho, iyadoo saxiixa loo baahan yahay mooshin noocaasi ah aanu weli gaarin saxiixa xildhibaannada la helay.
Arrintan aya waxaa soo food saartay caqabad ku saabsan in xildhibaanada la siiyay lacagta si ay u saxiixaan mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha ay intooda badan ka dhoofeen Muqdisho arrimo kala duwan dartood iyadoo intooda badan tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Xildhibaannada saxiixay mooshinka ayaa cadaadis weyn kasoo wajahay dhinaca taageerayaasha madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxayna qaarkood inkireen inay wax lacag ah qaateen.
Kharashka lagu bixinayo mooshinka ayaa la tuhunsan yahay inay bixineyaan dowladda Imaaraadka iyo dhinacyo kale oo ujeedkoodu yahay in la rido dowladda uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.