Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ay maanta qaaday tallaabo lama filaan ah oo ku cusub maamulkaasi, kadib markii ay kalsoonida kala laabteen xukuumadii madaxweyne C/weli Gaas.
Xogta laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegeysa in xildhibaanada Puntland iyo madaxweyne C/weli Gaas ay isku fahmi waayeen arrimo dhaqaale oo ay ka mid yihiin heshiisyo Puntland gashay iyo dhaqaale oo faafhaahintooda uu dalbaday Baarlamaanka.
Arrimaha la isku qabtay waxaa ugu waaweyn heshiiskii ay Puntland la gashay Shirkadda Imaaraad Carabta ee la wareegtay Dekadda Boosaaso iyo kharash Puntland ka heshay Imaaraadka, arrimahan oo madaxweyne Gaas isku koobay, isla markaana uu ka gaabsaday inuu la wadaago xildhibaanda Baarlamaanka Puntland.
Dhaqaale Imaaraadka Carabta hore u siiyay madaxda maamul Goboleedyada Soomaalida ka hor doorashadii madaxweyne Farmaajo ayaa madaxweynayaasha maamulada ay qariyeen marka laga reebo madaxweynaha Jubbaland oo qeyb lacagtaasi ka mida siiyay xildhibaanadii Federaalka ee lagu doortay.
Dhaqaalaha Imaaraadka Carabta ka helaan madaxda Soomaalida ayaa isu bedelaya mid xasilooni darro siyaasadeed ka abuuraya gudaha Soomaaliya.
Goobjooge