Waxaa hareeyay baraha bulshada ee Soomaalidu ku xiriirto dood ku saabsan cidda ka danbeyay sii deynta sarkaalkii ONLF ee dowladda Soomaaliya u gacan gelisay sanadkii hore Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.
Dhinacyo kala duwan ayaa ku sharaf sheegtay inay ka danbeeyeen siiii deynta Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbdidhagax) oo ONLF ay sheegtay inuusan weli heysn xoriyadda buuxa, balse ay dowladda Itoobiya dusha ka ilaaliso una dhiibtay odayaal ku dhow oo beeshiisa ah.
Wararka qaarkood ayaa soo xiganaya xubno qoyskiisa ka tirsan oo dawladda Soomaliya uga mahad celiyey sii deyntiisa, halka qaar kale ay beeniyeen inay wax lug ah ku leedahay sii deyntiisa, laakiin Qalbi dhagax oo lagu wado inuu saxaafadda la hadlo ayaa soo saxafiyiin la hadlay ay ka soo xigteen inaysan sii deyntiisa shaqo ku lahayn dowladda Soomaaliya, isagoo soo hadal qaaday odayaal, ururka xuquuqda aadanaha ee Itoobiya iyo dawladda Itoobiya.
Inkastoo madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee arrinta Qalbi-dhagax kala hadla dowladda Itoobiya, kadiba Guri uu ku xirnaa loogu geeyay, haddana waxay dad badan aaminsan yihiin in sii deynta Qalbi-dhagax ka mid tahay isbedelka Itoobiya ka socda oo lagu sii daayey siyaasiyiin mucaarad ahaa oo qaarkood dil ku xukunnaa, iyadoo shalay baarlamaanka Itoobiya uu ansixiyey qaraar cafinaya dhammaan siyaasiyiintii dibadjoogga ahaa ee dembiyada loo heystay.
Dowladda Soomaaliya oo hore u khaldantay inay u dhiibto Itoobiya, Maamulka Jubbaland iyo Odayaasha Beeshiisa oo ah saddexda qolo ee dhibcha siyaasadeed ku doonaya sii deynta Qalbi-dhagax ayaa u muuqda inay ka fog yihiin xaqiiqada, waxayna arrintan ku timid xaalad ay Itoobiya gashay oo midkoodna aan talada ugu jirin inay dhici doonto.
Dawladda Soomaaliya oo arrinta Qalbi-dhagax ay ku noqotay madax xanuunkii siyaasadeed ee ugu weynaa ayaan weli ka hadlin si rami ah sii deyntiisa, waxaana siyaabo shaqsi ah oo kala duwan u soo dhoweeyay xildhibaanno iyo madax ka tirsan dowladda Federaalka.