Wednesday, June 25, 2025

KASHIFAAD: Yaa is kale shirkadda lacagaha ku soo rogtay rakaabka ka dhoofaya Garoonka Muqdisho..?

Waxaa 24-kii saac ee ugu danbeeyay aad loo hadal hayay shirkad lagu magacaabo Sahal Hospitality Services, oo bilowday in Basas lagu qaado rakaabka ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shirkadan ayaa shalay  lacago ku soo rogtay rakaabka ka dhoofaya garoonka, iyadoo lacagahan ay ka baxsan yihiin Ticket-ka shirkadaha diyaaradaha, waxaana dadka dhoofaya  Basas uga qaadeysa xarun baaris oo ciidamada nabadsugida ku leeyihiin  agagaarka isgoyska KM4.

Ka sokor baaritaanada fara badan ee dadka dhoofaya, waxay arrintan kharash dheeraad ah ku kordhisay dadka dhoofaya oo qofkii wadata tikidh gudaha dalka ah laga qaadayo $6 (Lix Dollar), halka qofka sita Ticket dibadda ah laga qaadayo $11 (kow iyo toban dollar).

Qeylo dhaan fara badan ayaa ka soo yeertay dadka shacabka ah iyo siyaasiyiin aan wax xil ah ka heynin dowladda, waxaana mid ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha uu ku hanjabay in la joojiyo arrintan ama uu soo bandhigi doono dadka ku ku dhex jira ee ku lugta leh.

Haddana baaritaan ay sameysay Goobjooge.com ayaa lagu ogaaday in shirkadda Sahal ay wada leeyihiin ganacsade aan magaciisa ku soohgaabinay Jibriil oo kasoo jeeda Beesha Saleebaan/H/Gidir, waxaana ku wehliya agaasime ku xigeenka madaxtooyada Soomaaliya  oo daaha gadaashiisa ka wada howsha.

shsArrintan ayaa salka ku heysa in lagu naasnuujiyo shirkad uu leeyahay nin ay qaraabo yihiin muwaadin ay dowladdu awood uga qaadatay dhul halkaasi ku yaala oo lagu magacaabo Siciid Siyaad.

Haddaba ganacsiga noocan ah ee dhiig-miiradka iyo ka macaashka dhibaatada dadka ku dhisan ayaa ah mid ku sii xoogeystay dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh oo dhammaan adeegyadii dowladda qaban jirtay loo gacan geliyay shirkado ay leeyihiin dad la wad yaqaan.

Waxaan akhristayaasha u soo gudbineynaa qorshaha shirkadda Sahal oo dhameystiran iyo dadka saami wadaaga ku ah haddii aan la joojin adeegga sharci darrada ah ee lagu dhacayo hantida dadka iyadoo loogu soo gabanayo awoodda iyo xilka sare.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON