Maamul Goboleedyada dalka ayaa Shahaadooyin siiyay xildhibaanada lagu doortay xarumaha maamuladooda, taasoo keentay su’aal ku saabsan sharcinimada arrintan iyo halka ay salka ku heyso.
Raadraac ay Goobjooge.com ku sameysay arrintan ayaa soo shaac bixiyay inay sharci darro tahay shahaadooyin xildhibaanimo oo ay bixiyaan maamul Goboleeyada, taasoo khilaafsan heshiiskii Madasha Qaran.
Maamulada tallaabadan qaaday waxaa ka mida: Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana la arkayay qaarkood oo shahaadooyin guddoonsiinaya xubno dacwad ka taagan tahay Doorashadooda.
Shirkii Madasha ee Muqdisho ka dhacay 9-11 April 2016, waxaa lagu gaarya go’aano ah in madaxda maamul Goboleedyada ay saxiixaan liiska xildhibaanada la doortay ee Aqalada hoose iyo sare ee Baarlamaanka, iyadoo aanay ku jirin inay shahaado siiyaan, waxaana kaliya oo shahaado siinta leh Guddiga Doorashada heer Federaal.
HOOS KA AKHRI QODOBADII KA SOO BAXAY SHIRKII MADASHA EE APRIL EE ARRINTAN
Aqalka Sare:
k. Madaxweynayaasha Dawladaha xubnaha ka ah ayaa si rasmi ah u soo saxiixi doona liiska xubnaha Aqalka Sare ee Golaha Shacabka Qaran ee ka iman doona dawlad goboleeyadooda ka dib marka guddiyada doorasho ay u soo gudbiyaan soona xaqiijiyaan natiijada kama dambaysta ah ee murashaxiinta guulaystay.
Aqalka Hoose:
f. Madaxweynayaasha Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ayaa si rasmi ah u soo saxiixi doona liiska xubnaha Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka Qaran ee ka iman doonaa dawlad goboleeyadooda ka dib marka guddiyada doorasho ay u soo gudbiyaan soona xaqiijiyaan natiijada kama dambaysta ah ee murashaxiinta guulaystay.
Qaar ka mida wakiilada Beesha caalamka ayaa su’aal ka keenay shahaadooyinka ay bixinayaan maamul goboleedyada ee la siinayo xildhibaanada, taasoo aan la ogeyn meel laga keenay iyo sharciyadda ay ku fadhiyaan.
Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mikael Lindvall ayaa ka mida mas’uuliyiinta sida weyn ula socda arrimaha Doorashadooyinka oo sheegay inuusan ka war heynin xaq ay maamul goboleedyada u leeyihiin inay shahaadooyin siiyaan xildhibaanada.
As far as I know, states have no mandate to issue MP-certificates. And certainly not to candidates twice disqualified @doorashada2016 https://t.co/Z23004naYO
— Mikael Lindvall (@MikaelLindvall) December 15, 2016
AKHRISO: Warmutiyeedka laga soo saaray shirkii Madasha Qaran [SAWIRRO]
Goobjooge.com