Dowladda Kenya ayaa si cad u diiday go’aanka lagu wada inay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ kasoo saarto Kiiska Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Kenya ayaa sheegtay inay aqoonsan doonin Go’aanka Maxkamadda ICJ kasoo saari doonto Dacwadii ay Soomaaliya geystay Maxkamadda ee Muranka Xuduudka baddda ee Soomaaliya iyo Kenya oo dacwadiisa soo bilaabtay sanadkii 2014.
Xogahayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa shaaciyey in Dowladda Kenya aysan aqoonsan doonin xukunka Maxkamadda, una hoggaansami doonin wixii ka soo baxa, xilli lagu wado inay maxkamadda go’aankeeda ka soo baxdo Talaadada toddobaadka soo socda.
Kamau ayaa ku dooday in maxkamaddu aysan lahayn awood ay ku go’aamiso muranka xududka badda, ayna ka cabanayaan in maxkamaddu ay si cad u eexatay sidaas darteedna aysan ku habboonayn in la xaliyo khilaafka.
Xoghayaha ayaa ku celiyey in dowladda Kenya ay rumeysan tahay in khilaafka lagu xaliyo wadahadal nabadeed. Wuxuuna intaas ku daray in dacwaddu ay tahay isku day ay Soomaaliya ku doonayso inay ku xad gudubto madaxbannaanida dhuleed ee dalka oo ah isku day bilaabmay 1969kii.
Waxaa shirka jaraa’id ku wehliyey taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Kenya Ogola, garyaqaanka guud Kennedy Ogeto iyo Xoghaye Ibrahim Mohamed. Waxaana muuqata inay Kenya awood adeegsan doonto.
Xukunkan ayaa la filayaa inuu soo afjaro dacwadii badda ee todobada sano ahayd ee ay Soomaaliya u gudbisay ICJ sannadkii 2014-kii.
