Wararka ka imaanaya Dalka Kenya ayaa sheegaya in Dowladda Kenya ay feejignaan sare gelisay Ciidamadeeda, inta lagu jiro maalmaha ciida masiixiga ah, iyadoo dhaq dhaqaaq amni laga dareemay magaalooyinka ku dhow xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.
Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa lagu soo waramaya in ay ka digayaan weeraro suurta gal ah oo Maleeshiyada Al-Shabaab ay ka geystaan magaalooyinka, inta lagu guda jiro dabaaldegga ciida masiixiga, taasoo keentay feejignaan dheeraad ah.
Sida ay sheegayaan warbaahinta dalka Kenya, Ciidamada Booliska iyo kuwa Ilaalada Xuduuda ayaa loo diyaariyay, si ay uga hor-tagaan weeraro uga yimaada Argagixisada Al-Shabaab.
Joseph Boinnet oo ah Taliyaha Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa goor sii horeysay sheegay laamaha ammaanka Kenya inay ka war hayaan koox ka tirsan Al-Shabaab oo damacsan weeraro qorsheysan inay ka fuliyaan dalkaas.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay keynta Boni iyo magaalooyinka dhaca gobolka xeebta ay kula dagaalameysa kooxaha argagixisada Al-Shabaab oo horay weeraro uga fuliyay.
Alshabaab ayaa la sheegaya in ay adeegsanayaan qorshayaal hor leh oo ay ku weerarayaan gudaha dalkaasi Kenya, iyagoo adeegfsanaya sirdoon dumar ah,sida ay sheegeen laamaha ammaanka Dalka Kenya,waxaana jirta heegan buuxa oo la geliyay ciidamada ammanka Dalkaasi.