Tuesday, July 1, 2025

Kenya oo karaantiil ku sameysay 45 Qof oo looga shakiyey Cudurka Coronavirus.. (Akhri sababta)

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Kenya ayaa shaacisay in 45 qof oo looga shakiyey cudurka Coronavirus la karaantiilay, laguna bilaabay baaritaan lagu hubinayo xaaladooda.

Dadkan ayaa ka kooban 22 qof oo ay xiriir toos ah la yeelatay haweeneydii laga helay cudurka ee kasoo laabatay dalka Mareykanka, soona martay magaalada London oo ahayd qofkii ugu horeeyay ee cudurka COVID-19 laga helayo dalka Kenya iyo 23 qof oo diyaaradii ay la socotay la saarnaa.

Wasaaaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha Amniga Kenya ayaa dabagal ku sameeyay dhammaan dadkii ay la kulantay iyo kuwii ay xiriirka la yeelatay haweeneyda laga helay cudurka, waxaana 45 qof loo karaantiilay suuraganimada inay cudurka qaadeen, iyadoo baaritaanka lagu sameeyay lagu ogaan doono inay qabaan iyo in kale.

Xoghayaha maamulka ee wasaradda Caafimaadka Kenya Mercy Mwangangi ayaa sheegay in dadka la karaantiilay laga qaaday baaritaan muddo 4 maalmood ahna lagu heyn doono karaantiil.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON