Wasiirka Arrimaa Dibedda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo goor dhoweyd khudbad ka jeediyey Shirkada Wadatashiga Puntland ee maanta ka furmay magaalada Garowe ayaa sisgoo ku hadlaya afka madaxda federaalka ee ka qeyb-galaya shirka Puntland wuxuu u jawaabay Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni oo eedeyn kulul u jeediyey Dowlada Federaalka.
“Marmarka qaar waxaan dareenaa in Puntland ay jirto tuhun ah inay gooni wax u sheeganeyso oo ay leedahay hooyadii federaalka ayaan nahay; hooyadu ilmaheeda ayey u roonaan jirtay, Puntland waxa laga filayaa wax weyn oo wax tara dowladnimada Soomaaliya..” ayuu yiri Wasiir Cawad oo Puntland ku bogaadiyey horumarka ay gaartay.
“Madaxda Puntland waxaan ka rajeynaynaa in caqabadaha ay Dowladda Federaalka ka tirsanayaa inay ku gudbiyaan si walaalnimadii iyo wadajirkii Soomaaliyeed aan wax yeelayn. Madaxweynaha Soomaaliya annagaa ka wakiila,.. waxaan ku baaqeynaa in kalsoonida la xoojiyo, Dastuurka iyo arrimaheenna kale ka wada shaqeyno. Waxaan madaxda Puntland ka codsanaynaa in la xoojiyo kalsoonida, oo aan idaacadaha wax laysu marin..” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda.
Wasiirka ayaa sheegay inay magaalada Muqdisho ka filayeen inuu yimaado madaxweyne Deni. “Diyaarad kasta oo soo istaagta Xamar waxaan ka filanaa in madaxweyne Deni la socdo” ayuuna yiri.
Madaxweyne Deni ayaa khudbadii furitaanka shirka wada-tashiga Puntland ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka inay wax kasta maroorsadeen oo ay awood ku maquuninayaan maamul Goboleedyada, taasoo aan u soconeynin, sida uu yiri.