Monday, July 7, 2025
HomeSomaliPuntlandShirkii Wadatashiga Puntland oo ka furmay Garowe & Qodobadda looga hadlayo. (Sawirro)

Shirkii Wadatashiga Puntland oo ka furmay Garowe & Qodobadda looga hadlayo. (Sawirro)

-

Shirkii wada-tashiga Puntland ayaa ka furmay magaalada Garowe, iyadoo ay ka qeyb galayaan siyaasiyiin, odayaal, Isimo, qeybaha bulshada maamulkaasi oo ay ka dhex muuqdaan madaxdii hore ee Puntland iyo xubnaha ugu jira dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa shirka ku sugan Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxa kaloo ku sugan wasiirada ka tiran Dowladda Somalia oo uu horkacayo Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo madaxweynayaashii hore ee Punland

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa sheegay in shirka looga hadlayo marxaladihii Puntland soo martay iyo dardargelinta siyaasadaha u degsan xukuumaddan, waxaana ajendayaashiisa ka mida xaaladda Federaalka iyo marxaladda dalka xilligan ku jiro.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa furay shirweynaha Puntland, wuxuuna si weyn u weerarray madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo yiri: “Wax kasta waxay ka socon la’ yihiin madaxda dowladda Soomaaliya, iyagoo doonaya inay gacan maroorsadaan arrimaha dowlad-goboleedyada… Waxaan rabnaa in dib loo eego arrimaha Soomaaliya, dowladda Soomaaliya waa dowladdeenii laakiin ma dhacayso in madaxda hadda joogta sidii ay rabaan ka yeelaan”

Image may contain: 7 people, crowd
Image may contain: one or more people, crowd and indoor
Image may contain: one or more people, crowd and indoor
Image may contain: 7 people, people sitting, suit and wedding
Image may contain: 5 people, crowd and indoor
Image may contain: 12 people