Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa Madaxda Ddowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay awood u adeegsatay burburinta maamul Goboleedyada, isla markaana hareer martay sharcigii Federaalka iyo Dastuurka KMG ah.
Ujeedka Shirka wada-tashiga Puntland ayaa laga dhadhansan karay khudbadii madaxweyne Deni ka jeediyey shirka oo u badneyd eedeyn uu u jeediyey dowladda federaalka, isagoo sidoo kale ka hadlay marxaladihii ay soo martay Puntland oo hadda jirsatay 21 sano.
“Waxyaabaha ugu muhiimsan oo la isku khilaafsan yahay waxaa ka mid ah madaxda Dowladda Federaalka oo si bareer ah u hareer maray mabaadii’dii lagu dhisay dowlada federaalka oo ay ugu horrayso federaalaynta dalka, iyagoo si ula kac ah u raba inay u maroorsadaan dhammaan awoodaha dalka si aan waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, burburinta, faragelinta,afduub iyo caburin sharci darro ah oo lagu hayo arrimaha gaarka ah ee dowladaha xubnaha ka ah taasi oo Halis ku ah nidaamdka dalka iyo dadka”
Madaxweyne Deni
Wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalku inaysan wax ahmiyad ah siin dhammeystirka Dastuurka, la-dagaalanka argagixisada iyo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka qabsoonta taasi oo kaliya loo mari karo sida uu yiri qorshe heshiis lagu yahay.
“Dhammaan deeqihii caalamiga ah ee soo maray Dowladda Federaalka waxay noqdeen kuwo aan si hufan loogu qeybin dadka Soomaaliyeed, inta badan loo isticmaalay arrimo siyaasadeed” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxeynah Puntland oo dhinaca kale sheegay inaysan suurtagal ahayn in Puntland ay iska daawato arrimahan.
“Suurtagal ma aha, in dowladda federalka ka leexato mabaadii’dii loo asaasay dowlada Federaalka, dasuurka kumeel gaar ah, ay diido wadatashi, burburin iyo faragelin joogta ah ku sameeyaan, dowladihii xubnaha ka ahaa dowladda federaalka, , samaystaan shuruuc iyo xeerra, innagu sidaas ku daawadano…”
Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in khudbada Madaxweyne Deni ay ahayd tabasho ayna diyaar u yihiin inay ka gar naqsadaan. “Wixii Madaxweynuhu Halkaa ka akhriyay Cadaawad maahee Waa Cabasho aanu Dowladda Fadaraalka ka Qabno, Cabashadana idinkaan idiin soo gudbinay, diyaarna waanu unahay inaanu ka Garnaqsano” ayuu yiri Axmed Karaash Madaxweyne Ku xigeenka Puntland.
Hoos ka akhriso jawaabta wasiirka arrimaha dibadda