Thursday, February 27, 2020
More

    Kenya oo ku gacan seyrtay Dacwadii ay Dowladda Somalia u gudbisay Hay’adda Duulimaadka Q/Midoobay ee ICAO

    Dowladda Kenya ayaa ku gacan seyrtay dacwad ay Hay’ada Socdaalka dowladda Federaalka ah ee Soomaliya u gudbisay hay’adda maamulka Duulimaadyada Rayidka u qaabilsan Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib markii ay ku eedeysay inay diyaarad ka timid Nairobi ku xadgudubtay hawada Soomaaliya.

    Sarkaal ka tirsan Dowladda Kenya oo ay soo xigatay Jariirada Daily Nation ayaa ku dooday in Soomaaliya ay Kenya ku eedeyneyso waajibaadkii iyada laga rabay, ayna dooneyso inay Kenya u muiujiso dal aan dhowreynin sharciyada iyo qaanuunka calaamiga ah, taasoo uu sheegay inaysan sax ahayn.

    Ad

    Sarkaalkan oo aan magaciisa la sheegin ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya laga raba haddii ay jirto diyaarad hawadeeda ku xadgudubtay inay Hawada ka celiso, kuna qasabto inay dib u laabato, balse aysan Kenya ku eedeyn karin tallaabadii laga rabay inay iyadu qaado.

    Dowladda Soomaaliya ayaa cabasho ka dhan ah Kenya u gudbisay Hay’adda ICAO, kadib markii diyaarad siday siyaasiyiin ku kacsan dowladda Somalia ay diyaarad kasoo duushay Magaalada Nairobi Kismaayo ay toos uga dejisay magaalada Kismaayo.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    137,392FansLike
    1,337FollowersFollow
    4,180FollowersFollow
    137,392FansLike
    1,337FollowersFollow
    4,180FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!