Tuesday, July 1, 2025

Madaxweynaha Puntland oo Diyaarad toos ah u qaadanaya Kismaayo & Dadaalkii Dowladda Somalia oo fashilmay

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ku adkeystay inuu ka qeyb galayo caleemo saaraka madaxweynaha doorashadiisa muranka ka taagan yahay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dowladda Federaalka aysan aqoonsan.

Deni ayaa qorsheysay inuu diyaarad toos ah u raaco magaalada Kismaayo, iyadoo aan soo marin magaalada Muqdisho, waxaana madaxweynaha Soomaaliya u diray ergo wasiiro ah oo kasoo jeeda Putland si ay ugu qanciyaan heshiis dhex mara dowladda Federaalka iyo inuu ka tanaasulo safarka Kismaayo oo sharci darro ah, halisna kasoo wajihi karto madaxweynaha Puntland.

Kulan dhex maray madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, wasiirka Qorsheynta Jamaal Xasan Maxamed iyo wasiirka Kalluumeysiga Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa fashil ku dhammaaday, waxayna wararku sheegayaan in madaxweynaha Puntland ay dowladda Federaalka marka hore ka dalbaday inay fuliso heshiisyadii hore inta aan arrimo kale la guda gelin.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Siciid C/llaahi Deni uu ku sii jeedo maanta magaalada Kismaayo, isagoo jebinaya xayiraadda ay dowladda Somalia saartay magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale diyaarad ka bixi doontaa magaalada Garowe oo ay la socdaan xubno uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON