Dowladda Kenya ayaa ku hanjabtay inay awood u adeeganeyso dadka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Gedo, kadib markii ay burburin ku sameeyeen Derbigii ay dhiseysay xuduudka labada dal.
Sida lagu sheegay Warbixin uu daabacay wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya warqad diblomaasiyadeed oo ay Kenya u dirtay dowladda Soomaaliya 21-kii bishii May ayey ugu hanjabtay inay awood adeegsan doonto haddii ay muwaadiniinta Soomaaliya ee Gobolka gedo ay sii wadaan burburinta Derbiga ay ka dhiseyo xuduudda u dhaxeesa labada dal.
“Sii wadista tallaabo kasta oo looga hor imaado ama wax loogu dhimo darbiga xadka waxaa looga jawaabi doonaa si ay awood ku jirto” ayaa lagu yiri warqadda oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, lana sii marsiiyay safaaradda Kenya ee ee magaalada Muqdisho, iyadoo la gaarsiiyay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya 25-kii isla bishii May.
Kenya waxay sheegtay in si aan kala joogsi lahayn loo carqaladeeyo howsha dhismaha Derbiga, loona adeegsado haween iyo carruur waxyeello u geysta ciidanka ammaanka iyo kooxda dhismaha derbiga ku howlan, taasoo aan la aqbali karin, waxayna shegtay inay magdhow ka dalban doonto qasaaraha ay geysteen Soomaalida.
Jawaabta dowlada Somalia sida wargeysku sheegay ayaa noqotay inaysan dowladda Somalia ka warheynin waxyeelo loo geystay Kenya, isla markaana aysan Kenya soo bandhigin wax caddeyn ah, wixii labada dal u dhaxeeya ay diyaar u yihiin in laga wadahadlo.