Qoraal ku soo baxay mid ka mida wargeysyada ugu waaweyn ee dalka Kenya kasoo baxa ayaa dowladda Kenya looga digay inay fiiro u yeelato xiriirka dhow ee Mareykanka la yeelanayo Somalia iyo ciidamada uu dhisay ee kumaandooska Danab.
Qoraaga Oliver Mathenge ayaa ku qoray Wargeyska The Star, maqaal feker ah oo cinwaan looga dhigay “Kenya waa inay si qoto-dheer ula socotaa dhaqdhaqaaqyada Soomaaliya” ayaa dowlada Kenya loogu baaqay inay ka digtoonaato ciidammada Danab ee Mareykanku u tababarray Soomaaliya iyo xirirka dhow ee Soomaaliya iyo Mareykanka xilliyadan danbe yeelanayeen.
Qormada ayaa ku doodeysa in Soomaaliya ku tageen mas’uuliyiin sare sare oo Mareykan ah, sida Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, iyo hoggaamiyaha ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) General Thomas Waldhauser, iyagoo kulamo la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya.
Somalia iyo Mareykanka ayaa yeelanaya iskaashi amni oo dhex mara labada dhinac, siiba in la sii hormariyo ciidammada Soomaaliya ee Danab oo tayadoodu sarreeyso. Danab ayaa lagu sheegay in lagu tilmaami karo ciidammada ugu tayada sarreeyo Soomaaliya, kuwaas oo yeelan doono ilaa shan guuto.
Qoraaga ayaa shaki ka muujiyey dhaqdhaqaayada ay wado dowladda Soomaaliya sida kulankii dhex maray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyo la taliyaha arrimaha amniga ee madaxweyne Donald Trump, John Bolton. Waxaa shirkaasi sidoo kale ka qeyb-galay Wasiirka arrimaha horumarka ee Norway, Dag Inge Ulstein, taas oo loo baahan yahay, taasoo welwel gelineya Kenya.
Wuxuu dowladda Kenya u soo jeediyay suaalo ku sbaan sababta ay uga hadli la’dahay go’aanka maxkamadda cadaaladda ee dunida ee la xiriira muranka badda Soomaaliya iyo Kenya iyo meesha uu ku danbeeyay go’aankii ahaa in la xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.