Monday, June 23, 2025

Kenya oo shaacisay inuu Xasan Sheekh Dib u fasaxayo Qaadkii ay u dhoofin jirtay Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii la saaray Qaadkii ay Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya. 

Warkan waxaa laga soo xigtay Wasiirka beeraha dalka Kenya Peter Munya oo saxaafadda dalkaasi la hadlay maanta, isagoo sheegay in wadahadal arrintan ku saabsan la soo afjarayo dhawaan, laba isbuuc kadibna la saxiixi doono heshiis rasmi ah. 

Wasiirka Beeraha Kenya Peter Munya ayaa uga mahad celiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo arrintan wadahadal kala yeeshay dhigiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud shalay oo uu Muqdisho u tegay caleemo-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ad

Dowladdii Farmaajo ayaa hakisay duulimaadyada qaadka ee Kenya sanadii 2020-ka sababa la xiriira xanuunka Covid-19, balse xayiraadaasi ayaan sii socotay, taasoo salka ku heysay khilaaf dhaqaale iyo dano siyaasadeed, iyadoo dowladii Farmaajo ay Qaadka u fasaxday dalka Itoobiya. 

Wasiirka Kenya ayaa ganacsatda Qaadka ee dalkiisa u sheegay inay isu diyaariyaan Suuqa Qaadka ee Soomaaliya. Kenya ayaa sheegtay in qaadka laga dhoofin doono magaalada Siyeelo oo ay u dhow yihiin beeraha qaadka lagu beero.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya loo oggolaan doono in kalluunkeeda ay u suuqgeyso Kenya. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dal ku galka loo fududeeyn doono Soomaalida tegaysa dalka Kenya.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON