Dowladda Kenya yaa si rasmi ah uga jawaabtay Warkii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ee safiirka Keya looga dalabday inuu dalkiisa ugu laabto wadatashi looguna yeeray safiirka Somalia ee Nairobi.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu caddeeyay inaysan wax ogeysiin rasmi ah ah Af ama Qoraal ah ka helin dowladda Soomaaliya oo lagu codsanayo inuu dalkiisa ku laabto safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumpo, balse ay arkeen qoraalka iyo war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Kenya waxay sheegtay inay aad uga xun tahay falka nasiib darrada ah ee ay qaadatay doladda Federaalka Soomaaliya, tallaabadaas oo ku dhisan eedeyn aan sal lahayn, oo ku saabsan faragelinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
