Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa cudurdaar looga bixiyey khalad halis ah oo lagu arkay mid ka mida buugaagta manhajka cusub ee dowladda Soomaaliya.
Qoraalka ayaa lagu sheegay inay wasaaradda ka mahad celineyso dhammaan falcelintii laga muujiyey manhajka cusub, gaar ahaan khaladaadka lagu arkay Maadada Juqraafiga fasalka arfaad ee dugsiyada sare ee ku saabsan dhererka Baadda Soomaaliyeed.
Waxaa arrintan soo bandhigay macalin ka mida kuwa dhiga maadadan magaalada Muqdisho oo baraha bulshada ku baahiyey in Buugga Joqraadiga fasaalka 4-aad ee Sare manhajka cusub lagu soo qoray in dhererka Badda Soomaaliya uu yahay 2800 KM halka ay ahayd in lagu qoro 3333 KM.
