Thursday, June 26, 2025

Khashifaad: Donald Trum canshuur ma bixin muddo 18 sano ah…! [DAAWO]

Waxaa soo baxay fadeexad ku saabsan musharax madaxweynaha Mareykanka oo baaritaan lagu sameeyay la ogaaday inuusan muddo 18 sano bixin wax canshuur ah.

Wargeyska caanka ah ee dalka New York Times ayaa shaaciyay in uu helay dokumentiyo muujinaya, in musharaxa Donald Trump uu sanadkii 1995 shaaciyay in uu khasaaray lacag ka badan 900 oo milyan oo dollar, taasoo ka dhigan in loo dhaafo lacagta canshuurta ah.

New York Times waxay warbixinteeda ku sheegtay in khasaaraha oo aad u weynaa sharci ahaan keenayo in Donald Trump in aanu wax caanshuur ah bixin muddo 18 sano ah.

Trumo ayaa hore u diiday inuu shaaciyo canshuurta uu bixiyay, waxaana aad loo qarinayay khasaaraha gaaray maalqabeenka.

Qoraal ay soo saareen kooxda ololaha Trump ayaa ku dooday inuu musharaxu yahay ganacsade xirfad sare u leh canshuurta Mareykanka, isla markaana ku wanaagsan yahay dadka isu sharaxay jagada madaxtinimada Mareykanka.

Arrintan ayaa ka dhigeysa Musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump inuu hadda wajahayo arrin wax u dhimi doonto sheegashadiisa ah inuu yahay maalqabeen weyn oo wax badan ku soo kordhiyay Mareykanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON