Monday, July 7, 2025

Khasnajigii Baarlamaanka Federaaalka Soomaaliya oo lagu dilay weerar Qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday Gaari ay wateen shaqaale ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, agagaarka wadadda shaqaalaha, Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Dableyda aya  rasaas ku furay Gaari yar oo kuwa raaxada ah oo ay wateen shaqaalaha BaarlamaankaBaarlamaanka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegay in dhalinyaro ku hubeysan Bistoolado ayaa rasaasta ku furay Gaariga oo markas taagnaa meel u dhow Wadada Maka Al-Mukarama.

Waxaa weerarka ku dhintay Qasnajigii Golaha Shacabka oo lagu magacaabi jiray Cumar Dhalxa Maxamuud, sida uu xaqiijyey Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo sheegay inuu marxuumka muddo u soo shaqeynayay Golaha Shacabka, waxaana ku dhaawacmay Cali C/llaahi Cabdi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaasi ay ka badbaadeen laba qof oo kale oo ka tirsanaa Shaqaalaha Golaha Shacabka, waxayna xilliga weerarka dhacay la sheegay inay wadeen Gabar ka mida howlwadeenada Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa tacsi u diray Khasnajiga geeriyooday, wuxuuna Hay’adaha amniga Baarlamaanka ka dalbaday inay sharciga hor keenaan kuwii ka danbeeyay dilkiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON