Monday, June 23, 2025

Kheyre: “Waxaan Go’aansaday inaan xilka iska casilo, qeybna ka noqon khalkhal siyaasadeed” (Daawo)

Ra’isal wasaarihii xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Kheyre oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa yiri:

Aniga oo og:

Ad

– In waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed.

– In xitaa aanay ajandaha ku jirin

– in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka

- Advertisement -

Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato.

“Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed, mid dhaqaale, amni iyo bulsho.” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo faahfaahin ka bixiyey waxqabadka xukuumaddiisa mudaddii uu xilka hayey in xaaladda kala guurka ah ee dalka.

Wuxuu ka digay inuu weli socdo fekerkii muddo kororsiga ahaa oo ay caddeyn u tahay wixii maanta ka dhacay Baarlamaanka, wuxuuna ku adkeystay in dalka 4 sano ka dhaco doorasho.

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON