Sunday, July 13, 2025

Khilaaf ka dhex Qarxay Wasiirka Haweenka & Guddoomiyaha Haweenka Qaranka [Yariisow oo la saftay..]

Khilaafkii ugu cuslaa ayaa ka dhex qarxay Wasiiradda Haweenka xukuumadda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, kaasoo gaaray eedeyn ba’an oo loo jeediyey wasiiradda.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho iyadoo ku eedeysay Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqda Insaanka ee xukuumadda Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf inay dagaal ku heyso ururkeeda, isla markaana ay ka dalbatay inay xilka ka degto, kuna wareejiso xarunta haweenka ee Guriga hooyooyinka.

Guddoomiyaha Haweenka Qaranka ayaa sheegtay in Wasiiradda Haweenka Deeqa Yaasiin ay u balanqaaday inay Bil waliba siineyso lacag dhan 5000 Doolar, waxayna qaadacday shir ay wasaaradda Haweenka qabanqaabisay oo Berri ka furmaya magaalada Muqdisho.

Markii uu khilaafkan soo if baxay ayaa waxaa jawaab bixiyey ururka haweenka Gobolka Banaadir oo shaaciyey inuu ka qeyb galayo shirka ay qabanqaabisay wasiirka haweenka, waxaase la yaab leh in Guddoomiyaha G/Banaadir uu soo dhex galay arrintan isagoo la saftay Wasiirka haweenka.

Guddoomiye Yariisow oo aan la ogeyn doorkiisa ayaa yiri: “Haweenka Soomaaliyeed waa lafdhabarka Bulshada, waxaana soo dhoweyneynaa Shirweynaha Qaran ee Haweenka oo berri la furmaya Muqdisho oo ay Dowlada Federaalka ay soo qabanqaabisey..”

C/raxmaan Yariisow

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON