Sunday, July 13, 2025

Khilaafkii Ganacsatada & Dowladda Somalia oo Cirka isku shareeray iyo shaqadii Suuqa Bakaaraha oo la joojinayo

Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa maanta ku dhawaaqay inay shaqada joojinayaan iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga suuqa laga bilaabo maalinta Berri ee Axadda ah.

Qaar ka mida Ganacsatada oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay diidan yihiin canshuurta la saaray ganacsatada gobolka Banaadir oo ay ku tilmaameen cadaalad darro, isla markaana culeys badan ay kala kulmeen dhanka canshuurta.

Ganacsatada wada ololaha oo ah qaar hore uga horjeeday xukuumadda Soomaaliya oo ka hor yimid Rugta Ganacsiga Soomaaliya ayaa ku doodaya inay ka cabanayaan madaxda dowladda, isla markaana ay doonayaan inay codkooda gaarsiiyeen madaxweynaha.

Ganacsatadan oo qeybta diiday inay bixiso canshuurta ayaa hadda ku doodaya inay alaab badan ay kaga baaba’ayso dekadda, ayna taallo muddo ka badan 12 cisho, waxayna sheegeen in haddii canshuurta la sheegayo ay bixiyaan ay khasaare badan la kulmayaan.

Ganacsatadan ayaa sheegay inay isku raaceen inay joojiyaan shaqada, isla markaana ay xiraan Bakhaarada, iyadoo ku baaqay in dhammaan ganacstada ay shaqada joojiyaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON