Monday, July 7, 2025

Khilaafkii Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo gaaray heerkii ugu xumaa

Khilaafkii u dhaceeyay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa gaaray heerkii ugu xumaa, iyadoo madaxweyne ku xigeenka uu sheegay inaysan sallaanta iska qaadin.

“Waxaan qoonsaday [magacaabista] taliyaha madaxtooyada. Madaxtooyadu waa meel naga dhaxaysa oo aan u wada shaqo tagno, wada joogno, wada maamulno. Madaxweynuhu markuu wiilkiisa keensaday, wiilkii aan anigu keenayna uu meeshii ka eryay, marka meel la isku haleyn kara ma aha, Wada-tashina ma jiro oo salaantaba iskama qaadno” ayuu yiri Axmed Karaash oo BBC-da wareysi siiyay.

Axmed Karaash ayaa ku dooday in khilaafka isaga iyo madaxweyne Deni uu la xiriiro Dastuur-jebin iyo wada-tashi la’aan, sharciguna yahay sida dastuurku qorayo in labada mas’uul wada tashi ka sameeyaan shaqada dowladeed ee ka dhexaysa.

Madaxweyne ku xigeenka wuxuu sheegay markii uu isku dayey inuu arrimaha la isku hayo kala hadlo Madaxweyne Deni inuu ugu jawaabay “Adeerow meesha anigaa madaxweyne ka ah”.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale wareysi lala yeeshay ku sheegay in madaxweyne ku xigeenka uu kaaliye u yahay ee wax go’aan aanu lahayn, waxaana wararku sheegayaan in madaxweyna Deni uu qorsheynayo mooshin xil ka qaadis oo ka dhan ah Axmed Karaash.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON