Guddoomiyaha Aqaqlka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa laba farriimood oo muhiim ah kusoo qaatay khudbadii uu ka jeediyey xafladii saxiiixa Heshiiska labaada Doorashada Federaalka.
Cabdi Xaashi ayaa farriintiisa hore ahayd digniin ku socota dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xildhibaannada dooranaya madaxweynaha cusub, wuxuuna kula taliyey inaysan dooran qof kursiga lagu tijaabinayo oo aan wax khibrad ah lahayn.
“Waxaan soo jeedinayaa, annagoo 2006 joogna Baydhaba ayey Hobolladu riwaayad noo dhigeen hal erey baan kasoo qaatay: “DOWLAD EHEL BAY RABTAA’ waxaan leeyahay dowladda la dhisayo wiil ama gabar ku nasiibso ah ma gasho.. waxaan ula jeedaa Madaxda aanu dowlada u dooraneyno waa inay noqdaan kuwo aqoon dowladeed leh..” ayuu yiri Cabdi Xaashi.
Farriinta labaad ee Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ahayd mid aanay soo hadal qaadin madaxdii kale oo ku saabsaneyd wiilasha Soomaaliyeed ee ku maqan dalka Eritrea, kuwasoo Madaxda dowladda dowladda Fedeaalka ee waqrtigooda dhammaaday ay dalkaasi geeyeen.
“Waxaa maalmaham socday cabasho a soo jeediyeen Waalidiin caruurtooda tababar ciidan loo diray oo 2 sano ka maqan, waxaana madaxda dowladda ka dalbanayaa in waalidiintaasi loo jawaabo” ayuu khudbadiisa ku yiri Guddoomiyaha Aqalka sare.
Labada farriin ayaa si toos ah ugu socday madaxda dowladda Federaalka, gaar ahaan madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

HOOS KA DAAWO