Wednesday, June 25, 2025

Kismaayo iyo Magaalo ku taalla dalka Turkiga oo la mataaneeyay & Turkiga oo mashaarcii ka fulinaya Jubbaland [Sawirro]

Magaalada Kismaayo ayaa looga dhawaaqay in la mattaaneeyay magaalooyinka Antalya ee dalka Turkiga iyo magaalada Kismaayo.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii ay Kismaayo booqdeen wafdi ka socday dalka Turkiga oo uu hoggaaminayey madaxa dowladdaha hoose ee dalka Turkiga.  Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa  sagootiyay wafdiga Turkiga ee booqasho shqo ku tegay Jubbaland.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ahayd indho indhaynta goobo kala duwan oo mashaariic ay ka fulinayaan iyo Barnaamijka mataanaynta Magaalooyinka Kismaayo iyo Antalya oo ah Magaalo ku taala wadanka Turkiga isla markana meelo badan ay labada Magaalo iska shabahaan.

Wafdigan ayaa waxaa intuu joogay Jubbaland wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay qaabkii Turkigu uu ku bilaabi lahaa mashaarciida uu ka fulinayo Jubbaland, wuxuuna amaanay mataanaynta Antalya iyo Kismaayo oo uu xusay in ay tahay qorshe weyn oo ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo.

Safiirka Turkiga Olgan Bekar ayaa dhankiisa ka mahad celiyay soo dhawayntii qiimaha lahayd ee lasoo sameeyay isagoo hoosta ka xariiqay in dhamaan waxyaabahii la isku afgartay ay sida ugu dhow u fulin doonan gaar ahaan adeegyada hormarinta oo ay ugu weynatahay mataanaynta Magaalada Kismaayo iyo Magaalada Antalya.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing

Image may contain: 5 people, ocean and beard

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 6 people, people smiling, people standing and shoes

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON