Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Qarax xoog leh lagu qaaday Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM.
Qaraxan oo loo adeegsaday Miino dhulka la geliyey ayaa haleelay gaadiidka ciidamada AMISOM, waxaana la sheegay inuu qasaare u geystay ciidamada AMISOM, xilli ay marayeen agagaarka Xeradii hore ee Ciidamada ee Hiilweyne, iyadoo qaraxa kadib ay ciidamada AMISOM fureen Rasaas culus.
Dadka degaanka ayaa sheegay in mid ka mida gaadiidka ciidamada AMISOM uu qaraxa miinada waxyeello weyn u geysta, iyadoo qaraxa kadib uu joogsaday isu socodka dadka iyo gaadiidka Wadadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.
Alshabaab ayaa si weyn u xoojiyey weerarrada ay ka geysanayaan Jidka isku xira Muqdisho-Balcad iyo Jowhar, waxayna shalay oo kaliya ka fuliyeen laba weerar oo midkii hore ay ku qarxiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle, halka weerar toos ah ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan AMISOM.