Wararka laga helayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Qarax Ismiidaamin ah lagula beegsaday Kolonyo uu la socday Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu oo marayay degaanka Xaawo Cabdi.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa isla markaana uu waday qof is-miidaamiye ah sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Ammaanka maamulka Koofur Galbeed.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa aanu qasaare ka soo gaarin Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, oo qaraxu ka dhacay meel xoogaa u jirtay kolonyada.
Wafdiga Shariif Xasan oo ay tahay markii labaad ee halkaasi qarax lagula beegsado ayaa ka soo laabtay Xilliga Qaraxa lagu Weeraray degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana uu ku soo jeeday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Maamulka Koofur Galbeed wali Faah-faahin kama bixin Qaraxa Ismiidaamintaa ee ka dhacay Degaanka Xaawo Cabdi Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Goobjooge.com