Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay xireen isku socodkii Muqidsho iyo Gobolka Sh/Dhexe ee maamulka Hirshabelle.
Gaadiid fara badan ayaa ku xayiran Koontaroolka Maslax oo xarun u ah ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka iyadoo arrintaasi ay saameyn ku yeelatay isku socodka labada oo shacab fara badan ku xayirmeen.
Dadka Koontaroolkaasi ku xayirmay waxaa ka mida Xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabelle oo lagu magacaabo Xasan Maxamed Ibrahim oo sheegay in loo diiday inay u gudbaan Muqdisho markii uu la xiriiray madaxda G/Banaadirna loo sheegay inuu amarkaasi leeyahay taliyaha ciidamada ee saldhigga Maslax.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dhibaato weyn halkaasi ka taagan tahay isla markaana dadka la xayiray ay dhibaatooyin ku heystaan halkaasi, isagoo si weyn u cambaareeyay inuu qof gaaro go’aan umad dhan lagu go’doominayo.