Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay caawa dil ka geysatay xaafad ka tirsan magaalada.
Dilkan ayaa ka dhacay xaafada Suuq-yaraha degmada Xamarjajab ee Gobolka Banaadir, waxana halkaasi lagyu dilay nin oday ah oo ka mida ahaa waxgaradka xaafaddaasi oo la sheegay inuu caan ka ahaa degmada Xamarjajab.
Odayga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Culusow, waxaana dilkiisa ka danbeeyay laba nin oo Bistoolado ku hubeysnaa, iyagoo rasaas ku furay xilli uu kasoo baxay salaadii Maqrib oo uu koo tukaday Masjidka Xaaji Rajab ee xaafadda Suuq-yaraha.
Ciidamada ammaanka ayaa goobtaasi gaaray falka kadib iyadoo ay baxsadeen dableydii dilka ka danbeysay, wuxuuna dilkan imaanayaa iyadoo ay magaalada maalmihii ugu danbeeyay ka nasatay dilalkii qorsheysnaa ee xowliga uga socday.