Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay dil ka geysteen xaafad ka tirsan magaalada.
Dableyda oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab ayaa ku hubeysnaa Bistoolado waxayna toogasho ku dileen Askari ka mid ahaa ciidanka dowladda Soomaaliya, iyadoo qof kale oo ka ag dhowaa dhaawac u geystay.
Falkan ayaa goor dhoweyd ka dhacay dhacay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, agagaarka hotelka Towfiiq, waxaana la sheegay in kooxda dilka geysatay goobta ka baxsadeen.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada amniga ay goobta gaareen falka dilka kadib, lamana sheegin cid loo qabtay.