Monday, June 23, 2025

Koox Dabley ah oo Muqdisho ku dishay mid ka mida Ergadii soo dooratay Baarlamaanka Somalia..

Koox dabley ayaa magaalada Muqdisho ku dishay Nin la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliyam kadib weerar ka dhacay degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Laba dabley oo bistloolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay Xuseen Maadey oo lagu weeraray xaafadda Suuq Liif ee Degmada Dharkeynley, waxaana baxsaday raggii dilka geystay, iyadoo markii danbe ay gaareen ciidamada Amniga.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Xuseen Maadey uu ka mid ahaa ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kusoo dooratay Magaalada Baydhabo, iyadoo uu dilkan noqonayo kii labaad ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii Xaafadda Jungal ee degmada Yaaqshiid lagu dilay nabadoon ka mid ahaa ergadii soo dooratay Baarlamaanka Somalia.

Ad

Dilalka qorsheysan oo bishan Ramadaan aad uga yaraa ramadaankii hore ayaa hadda u muuqda inay xoogeysteen, iyadoo ay fuliyaan xubno ka tirsan Alshabab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON