Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in fal toogasho ah oo ay fuliyeen rag hubaysan lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.
Dilkan ayaa xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir, Gobolka Banaadir, waxaana askariga oo isla goobta ku geeriyooday la sheegay inay dableydii ka qaateen qorigii uu watay, iyagoo kadibna goobta ka baxsaday.
Wararka ayaa sheegaya in laba dhalinyato ah oo falka geystay ay sii raaceen Mooto Bajaaj u suuragelisay inay baxsadaan. Falkan ayaa ka mida ugaarsi joogto ah oo Alshabaab ay ka fuliso magaalada Muqdisho.