Sunday, July 13, 2025

Koox hubeysan Askar & Qof shacab ah toogasho ku dilay Suuqa ugu weyn Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay fal dil ah ka fulisay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Falkan oo ay geysteen koox hubeysan ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee mar qura lagu dilo saddex qof oo laba ka mida ay ka mid ahaayeen askarka tirsan ciidamada dowladda, sida ay ku warrameen goobjoogayaal ku sugan suuqa Bakaaraha.

Kooxda dilka geystay ayaa ka koobneyd laba dabley ah, waxaana dagaal ku dhex maray  Bosteejadda Baabuurta Baydhabo ee Suuqa Bakaaraha, halkasoo ay rasaas isku weydaarsadeen, taasoo keentay in rasaasta lagala hor maro ciidamada.

Laba askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay weerarkaasi khaarijnta ahaa. Waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geystay, iyadoo markaas kadib ay goobta gaareen ciidamada amniga oo howlgal ka bilaabay halkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON