Wednesday, June 25, 2025

Koox hubeysan oo Fal Dil ah ka geysatay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qof rayid ah lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qofka la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa nin dhalinyaro, waxayna koox hubeysan ku weerartay Masjidka loo yaqaan masjidka Shuhadaa ee gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo dableyda oo bistoolado ku hubeysaneyd ay goobta ka baxsatay.

Ciidamada Amniga caasimadda ee dowladda Soomaaliya ayaala sheegay in falkaasi kadib ay  gaareen goobta uu dilku ka dhacay, inkastoo aan cidna loo qaban falkaasi oo ka mida falal xiriir ah oo Muqdisho ku soo batay bisha Ramadaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON