Tuesday, July 1, 2025

Koox Hubeysan oo Caawa dil ka fulisay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho  ayaa sheegaya in fal dil ah uu ka dhacay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Koox hubeysan ayaa la sheegay inay falkan ka geysteen xaafadda Dabaqeynka oo  Dabley Bistoolado ku hubeysan ay ku toogteen nin magaciisa lagu soo gaabiyay Xasan Sulub, oo la sheegay inuu ahaa kaaba-Marqaati  ka shaqeysan jiray Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi.

Ciidamada amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo ka qaaday meydka ninkaasi, Warar kale ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladda isla caawa lagu dilay degmada Dharkeynley.

Alshabab ayaa sii kordhisay falalka dilalka iyo khaarijinta ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho oo Bisha Ramadaan si aad ah looga dareemo caasimadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON