Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay caawa magaalada Muqdisho ka geysteen dil toogasho ah.
Dalbey hubeysan ayaa caawa toogasho ku dishay askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka dowladda Soomaaliya, kaasoo magacaabi jiray Salaad Maxamuud Cumar, waxaana dilka ka dhacayWaaxda Jamhuuriya, Nawaaxiga Masjidka Turkiga ee Degmada Kaaraan, Wuxuuna askariga la dilay uu katirsanaa Guutada 2-aad ee Ciidanka Xooga.
Dableydii falka geystay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana halkaasi gaaray ciidamada amniga oo aan ku guuleysan inay daba tagaan raggaasi, waxayna ka qaadeen meydka askariga.
Falalka dilalka qorsheysan ayaa joogto uga dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo aan wax guul ah laga gaarin in laga hortago ama la soo qabto.