Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay toogasho ku dileen haweeney rayid ah.
Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Shaneemo Cabdi Waayeel ee degmada Hilliwaa, Gobolka Banaadir, waxayna dableyda hubeysan oo ka koobneyd laba dhalinyaro ah ayaa qofka Haweeneyda ah toogasho ku dilay, iyadoo goobta ka baxsaday.
Lama oga sababta loo dilay haweeneydan oo ka mid ahayd dadka xaafadda ee degaanka, waxaana goobtaasi gaaray ciidamada ammaanka Dowladda oo aan ku guuleysan inay qabtaan raggii ka danbeeyay falkaasi.