Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay fal dil ah ka geystay Magalada Muqdisho.
Falka dilka ah ayaa ka dhacay Jidka Warshadaha, agagaarka Xarunta weyn ee Jaamacadda SIMAD, iyadoo dabley hubeysan oo watay Mooto ay weerar ku qaadeen laba qof oo wada socday, iyadoo midkood toogasho ku dilay, halka midkii kale uu dhawacmay.
Qofka la dilay ayaa laga sheegay inuu ahaa Oday oo aan faahfaahintiisa la helin, waxaana goobta gaaray ciidamada amniga oo baaritaan, laakiin waxaa la sheegay inay baxsadeen kooxdii falka dilka ah geysatay.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qofka dilka loo geystay oo la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.