Sunday, July 13, 2025

Koox hubeysan oo Dil ka geysatay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin laga helay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubeysan ay dil qorsheysan ka fulisay Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Dilkan ayaa ka dhacay suuqa bakaaraha oo ah kan ugu weyn caasimadda Soomaaliya, kadib markii koox bistoolado watay ay rasaas ku fureen nin magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Axmad Cali, kadibna ay goobta ka baxsadeen dilkiisa kadib.

Wararaka ayaa sheegay in ninka la dilay uu ka mid ahaa ergadii xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ku soo doortay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland, iyadoo uu ka mid yahay noqday dadkii ugu danbeeyay dilal khaarijin ah oo ka socda magaalada Muqdisho.

Kooxda Alshabaab aya sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuum Cabdullaahi Axmad Cali, sida ay baahisay warbaahinta taageerta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON