Wednesday, June 25, 2025

Koox hubeysan oo Dil khaarijin ah ka fulisay magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan fal khaarijin ah ka fulisay magaalada.

Dabley hubeysan ayaa toogtay nin la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada Nabadsuggida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Kooxda dilka geysatay ayaa weerarka ku qaaday sarkaalkan oo ku sugnaa Xaafadda UNICEF ee Waaxda October ee degmada Waaberi. Waxay dadka degaanka sheegeen  inay rasaas ku fureen kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Sarkaalka NISA ka tirsanaa ayaa dhaawac culus kasoo gaaray weerarka lagu qaaday, waxaana la sheegay inuu kadib u geeriyooday dhaawaca.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON