Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay saakay dil qorsheysan ka fulisay qof shacab ah.
Dilka ayaa ka dhacay degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho, agagaarka masjidka Cabdalle iyo Cawareere, waxaana halkaasi lagu toogtay wiil dhalinyaro ah, iyadoo dableyda falka geysatay ay goobta ka baxsadeen.
Dadka degaanka aya sheegay in dilka uu dhacay aroortii hore, halkaasoo ay ciidamo ka tirsan Booliska gaareen goobta uu dilka ka dhacay, mana jirin cid loo qabtay.
Dilalka qorsheysan ayaa sii kordhaya magaalada Muqdisho, iyado dadka la beegsanayo aysan kala soon lahayn.