Monday, June 23, 2025

Koox hubeysan oo Guddoomiye Waaxeed ku khaarijisay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysa ay toogasho ku dishay Guddoomiye waxaad.Dilka ayaa ka dhacay xaafadda 1-da Mey ee agagaarka Buundada koowaad, degmada Xamarjajab, sida ay sheegeen dadka degaankaasina waxaa latoogtay haweeney la sheegay inay guddoomiye Waaxeed ka tahay degmada oo magaceeda lagu sheegay Foos Maxamed Xuseen.

Weerarka ayaa ka dhacay Gurirga haweeneyda, iyadoo sidoo kale ay ku geeriyootay gabar yar oo lagu magacaabi jiray Rayaan Cumar. Dableyda ayaa goobta ka baxsatay, iyadoo muddo kadib ay goobta gaareen ciidamada ammaanka oo halkaasi baaritaan ka sameeyay, inkastoo aan la sheegin cid loo qabtay falkaasi.

Kooxda Alsahbaab ayaa sii kordhisay dilalka qorsheysan ee Magaalada Muqdisho xilli ciidamada xasilinta ay howlgallo lagu sugayo ammaanka ay wadaan magaalada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON