Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa laba qof lagu dilay magaalada.
Koox hubeysan ayaa xaafadda Kaawo-godey ee degmada Dharkeynley ee Gobolka banaadir ku dilay askari katirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Minishibiyada iyo nin la sheegay inuu ahaa sarifle.
Dadka degaanka ayaa sheegay in askariga la dilay la oran jiray Maxamud Siyaad, halka sariflaha oo laga yaqaan suuqa Wadajir magaciisa lagu soo koobay Jeeri, waxaa toogasho ku dilay dalbay ka koobneyd saddex qof oo hubeysan.
Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, kadib markii ay baxsadeen dableydii dilka geysatay. Waxayna arrintan ka mid ahayd falal dilal qorsheysan ah oo si joogto ah uga dhaca degmada.
Goobjooge